WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cusmaan Cabdulle (Axmed Inji), isagoo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Hiiraan loogu magacaabay inuu noqdo Aadan Xasan Odawaa (Aadan dheere) oo bedelaya mas’uuliyiin isaga ka horeeyay ee xilka laga qaaday

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Dib u Heshiisiinta iyo Federaalka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobeey) waxa uuna xilkaas u Magacaabay Nuur Cilmi Cabdulle.

Wareegtada xilka qaadista ayaa lagu caddeeyay in baahi loo qabo in la dardar-geliyo amniga Gobolka Hiiraan, taasina ay keentay in isbedel lagu sameeyay xilka Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolkaaas ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin
To Top