WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo War kasoo saaray Dil loo geystay Nabadoon Caan ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo xalay koox argagixiso ah ay ku dileen Magaalada Beledweyne.

Allaha u naxariistee marxuumka waxa uu ahaa qof samaha jecel afgaaban cibaado badan u damqada bulshada kuwooda liita qeybwayna ka qaatay nabadeynta iyo wadajirka bulshada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxa uu u tacsiyeeynayaa qoyska ehelka iyo qaraabada uu ka baxay nabadoon Cabdi Xuseen Coloow waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, degdegna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan, xili uu ku sugnaa xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Gobolkaas..

Madaxweynaha Hirshabeelle oo War kasoo saaray Dil loo geystay Nabadoon Caan ah
To Top