WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo taageero ka dalbaday Midowga Yurub

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugida amniga, Sare u qaadida mashaariicda horumarineed iyo dhisida awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh dowladda.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalin kahor lagu soo gaba-gabeeyay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo taageero ka dalbaday Midowga Yurub
To Top