WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Ergeyga cusub ee QM

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle  ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo  Catriona Laing iyo Ku Xigeenkeeda cusub Ahna u qeybsanaha iyo Isku-duwaha Howlaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway

Madaxweynaha iyo Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha muhiim ka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Al-Shbabaab oo lagu xoreeyay deegaano badan oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, Sidoo kalana ay isu diyaarinayaan Wajiga labaad ee howlgalada si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta ka maqan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Ergeyga cusub ee QM
To Top