WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Amar Deg-deg ah siiyay Maamulka Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo  ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga war’bixiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad  deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka  in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledweyne si looga hortago kooxaha nabad diidka ee dhibaateeya Bulshada.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Amar Deg-deg ah siiyay Maamulka Gobolka Hiiraan
To Top