WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi la socday oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee BFS, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno labada gole ee Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo looga hadli doono arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Shirka u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi la socday oo Maanta soo gaaray Muqdisho
To Top