WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka badbaaday isku day Dil, xili uu doonayey inuu…

Madaxweynaha waddankaTurkiga ayaa lagu soo waramaya in uu ka badbaaday isku day dil xilli uu ka qeyb galayay isusoo bax dadweyne oo ka dhacayay magaalada Siirit  ee koonfurta bari dalkaas.

Warbaahinta Anadolu  ayaa sheegtay in qarax lagu arkay qeybta hoose ee gaari booliiska loo xilsaaray sugidda amniga goobta uu Recep Tayyip Erdoğan shacabkiisa kula kulmayay.

Gaariga qaraxa lagu qabtay ayaa waxaa saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Turkiga sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Turkiga.

Ciidamada Turkiga ayaa bilaabay baaritaano waxaana la xirey askarigii watay gaariga waxyaalaha qarxa lagu soo xirey.Kooxaha baaritaanka ayaa sidoo kale hubiyay kamaradaha amniga ee gobolka.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in booliska Turkiga ay bam hoos ka heleen gaari uu saarnaa askari ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo loo xil saaray inuu ka shaqeeyo munaasabad uu ka qeyb galay madaxweyne Tayyip Erdogan oo ka dhacday bariga Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka badbaaday isku day Dil, xili uu doonayey inuu…
To Top