WARARKA SOOMAALI

Madaxtooyada oo qirtay in Musuqa uu yahay aafooyinka saameynta xun yeeshay

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey ilaalinta hantida Qaranka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan qeybaha kale ee bulshada.

Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in musuq maasuqu uu ka mid yahay aafooyinka saameynta xun iyo mahadhooyinka ku yeesho kalsoonida iyo aaminaada dadweynaha ee ay ku qabaan xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu meel mariyey dhisadda iyo howlgelinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, taas oo looga gol leeyahay in lagu ciribtiro musuq maasuqa, haddaba waa muhiim in uu qof walba doorkiisa ka qaata la dagaallanka musuq maasuqa iyo sidii looga miro-dhalin lahaa hannaan daahfuran”. Ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Sido kale, Agaasimaha ayaa soo bandhigay kaalinta shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay ee ku aaddan wadashaqeynta iyo gacan siinta hay’adaha dowladda, si loo hirgeliyo qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska dowladnimada, maamul wanaagga iyo hufnaanta.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xaamud, xubno ka socday hay’adda dowladda iyo ururadda bulshada raiyidka.

Madaxtooyada oo qirtay in Musuqa uu yahay aafooyinka saameynta xun yeeshay
To Top