WARARKA SOOMAALI

Madaxda DF iyo kumanaan dad ah oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo + Sawirro

Madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamud, Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro ka tirsan XFS, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, iyo kumanaan dadweyna ah ayaa isugu soo baxay garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium.

Madaxda iyo shacabka ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu maamusayay xuska 63-sano guuradii kasoo wareegatay xiligii ay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya Xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ku asteesan Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

1-da Luuliyo oo ah maalin qiima badan oo ku weyn quluubta Malaayiinta ummada Soomaaliyeed, ayaa munaasabad maalintaan lagu weyneynayay lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho halkaas oo ay ka dhacday tartan kubada cagta ah oo u dhaxeeyay kooxaha Muqdisho City iyo FC, Horseed.

32-sano kadib ayaa markii ugu horeysay si weyn oo milga leh loo maamuusay 63-sano guuradii kasoo wareegatay guulihii taariikhiga ahaa ee ka curtay Soomaaliya oo laga xusi karo Xorriyada iyo in dhulka Soomaaliyeed ee sharafta badan laga taagay Calanka JS.

Madaxda DF iyo kumanaan dad ah oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo + Sawirro
To Top