WARARKA SOOMAALI

Maamulo cusub oo Deg-deg loogu magacaabay Degmooyin Qaraxyo ka dhaceen

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Gobolka Hiiraan u Magacaabay Guddoomiye ku xigeenno cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Wasiirka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan u magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Gobolkaas ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muumin.

Guddoomiye ku-xigeenka dib u heshiisiinta iyo Federaalka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobeey), sidoo kalena Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-burte.

Guddoomiyaha cusub ee Buulo-burte ayaa laga dhigay Xasan Maxamed Cabdi, oo bedelaya Guddoomiyihii horee ee degmadaas Axmed Mahad Nuur, oo xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Dhinaca kale waxaa Maamul cusub loo magacaabay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maaliyadda degmada loo magacaabay Maxamed Qaasim Cabdi, halka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka dib u dhiska degmada laga dhigay Cabdisalaan Xasan Abuukar.

Maamulo cusub oo Deg-deg loogu magacaabay Degmooyin Qaraxyo ka dhaceen
To Top