WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo Digniin culus kasoo saaray Amniga Garoowe

Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegayay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ay ka socdaan gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo ku hadlaya afka guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa shacabka caasimadda Puntland ugu baaqay in ay is dajiyaan, isagoona beeniyay warka la faafiyey.

Taliye Maxamed Marduuf ayaa tilmaamay in wax amni darro ah aysan ka jirin gudaha magaalada Garoowe, isla markaana xaaladda ay tahay mid wanaagsan, isagoona shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan oo ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Dadka wada khalkhal galinta amniga oo dadka rayidka ah beenta ayuu Taliyaha uga digay inay ka waantoobaan been abuurka aan sal iyo raadka lahayn, sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo lagu arko khalkhal galin amni iyo kicin bulsho bilaa caddayn.

Dhawaan ayey aheyd markii gudaha Garoowe uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweyne Deni, waxaana dagaalkaasi ku dhintay in ka badan 20 qof.

Maamulka Puntland oo Digniin culus kasoo saaray Amniga Garoowe
To Top