WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo Amaro cusub kasoo saaray Amniga Garoowe

Shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga caasimadda Puntland, ayaa Maanta ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga caasimadda oo Baarlamaanku meelmariyey, iyo xoojinta Amniga gudaha.

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga Puntland ayaa isku raacay qodobada dhowr ah oo lagu sii xoojin karo amniga, iyadoona la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-

1-In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,

2- In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,

3- In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha  iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,

4-In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,

5- In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland Ismaaciil Saleebaan Geelle, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Puntland oo Amaro cusub kasoo saaray Amniga Garoowe
To Top