WARARKA SOOMAALI

Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray Madaxweyne Farmaajo

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka qeyb geli doonin Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uusan ka qeyb geli doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ee la filayo inuu ka qabsoomo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Go’aanka ay gaareen uu ka dhashay kaddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

“Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka” ayaa lagu Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khilaaf xoogan ayaa haatan u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana khilaafka uu Cirka isku sii shareeray markii Farmaajo uu Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo idmaday ee doorashada dalka…

Maamulka Koonfur Galbeed oo taageeray Madaxweyne Farmaajo
To Top