WARARKA SOOMAALI

Maamulka Jubbaland oo Shir ka yeeshay xal u helida Arrinta Gobolka Gedo

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay kulan ay  iskugu yimaadeen qaar kamid ah  labada Gole ee Jubbaland ee Saameynta kuleh Gobolka Gedo iyo Xildhibaano heer Federaal ah.

Shirkaas oo Ajendihiisu ahaa:-
1- Mahadcelin loo mahadcelinayo xubnaha ka tirsan labada Gole ee Jubaland xiligii aadkaa ee la soo maray.

2- La socodka xaalada Gobolka Gedo sida Amniga, Maamulka, Garsoorka iyo Midnimada iyo Horumarinta Adeega Bulshada.

3- Xaaladii ugu danbeesay ee Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo iyo sababta keentay mudaharaadyada rabshada watay ee Shacabka Degmada Baladxaawo.

Shirkaas oo ay saxaafadu dibad joog ka aheed ayaa falan qeyn iyo dood dheer iyo xog kala qaadasho kadib, ayaa waxaa la isku raacay in Arimaha Gobolka Gedo lagu wajaho xalka horseedaya in lawada Guuleysto, ayada oo aan loo arkeyn cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay – (Win win solution).

Natiijadana ay noqoneyso in la qaado tilaabooyin lagu wada guuleysan karo, sidii ku cadeyd Khudbadii Salaada Ciidul Adxada kadib uu jeediyey Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland oo Shir ka yeeshay xal u helida Arrinta Gobolka Gedo
To Top