WARARKA SOOMAALI

Maamulka Galmudug oo Maanta Degmooyin buuxa u aqoosaday laba deegaan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga, waxaana intaas kadib  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha Xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha Baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Maamulka Galmudug oo Maanta Degmooyin buuxa u aqoosaday laba deegaan
To Top