WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Dhamaan Maamulada 17 Degmo iyo sedexda Deegaan, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Guddiga Wacyigelinta iyo Abaabulka Qaranka.

Shirka ayaa loogu hadlay Amniga Guud ee Caasimada Muqdisho, u diyaar-garowga Doorashooyinka Guddoonka Labada Aqal iyo u gar-gaarida Bulshada danta yar Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed.

Sidoo kale Shirka ayaa lagu boogaadiyay kaalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ka qaadanayaan dib-u-hanashada Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed iyadoona loogu Hambalyeeyay xuska 12 April oo maalinta bari ku beegan kuna suntan 62 guurada kasoo wareegatay Aas-aaska Ciidanka Xooga dalka ee 1960.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa laamaha amniga Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyina faray xoojinta amniga Caasimadda, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho
To Top