WARARKA SOOMAALI

Maamul Goboleed shaaciyay inuu bilaabato Doorashada Golaha Shacabka

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa shaaciyey inuu magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulkaas ku qabanayo doorashada Saddex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Sida Wararka sheegayaan saddexda kursi ayaa ah kuwa ugu adag ee Hirshabeelle gaar ahaan kuwa degaan doorashashadoodu tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa iney soo saaraan saacadaha so socda jadwalka doorashada Saddexda kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku wajahan Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaasoo korjoogto ka noqon doona doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee halkaas lagu qabanayo.

Doorashada labadii kursi ee ugu horeysay baarlamanka 11aad ayaa dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho kuwaasoo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Maamul Goboleed shaaciyay inuu bilaabato Doorashada Golaha Shacabka
To Top