WARARKA SOOMAALI

Maamul Goboleed deegaanadiisa ka mamnuucay Diyaaradaha nooca…

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in gudaha deegaanadeeda la soo geliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wax duuba ee loo yaqaano Drones, iyagoona sababta ka hadlay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga Maamulka Puntland ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha dhulka laga hayo ee loo yaqaan Drones.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda ee ay khusayso in aan gudaha Puntland la soo gelin karin diyaaradahas noocaas ah.

Sidoo kale Laamaha Amniga Puntland ayaa lagu amray in ay feejignaan dheeriya ka muujiyaan sugidda Ammaan xilligan xasaasiga ah, isla markaana waxaa dadka shacabka ah laga dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga .

Maamul Goboleed deegaanadiisa ka mamnuucay Diyaaradaha nooca…
To Top