WARARKA SOOMAALI

M/weyne ku-xigeenka Jubbaland oo ku wajahan Degmo ka tirsan Gedo

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay kusii jeedaan degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, iyaga  oo saacado kadib tagaya degmadaas.

Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo ka xogwareysan doona xaaladda degmada iyo baahiyaha jira.

Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa ayna mas’uuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.

Garoonka diyaaradaha Luuq ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdigiisa oo kamid yihiin xubno ka tirsan labada Golle ee Maamulka.

Gobolka Gedo degmooyinkiisa kale ayaa wali diidan in ay la shaqeeyaan maamulka Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe, waxaana horey qaar kamid ah degmooyinka Gedo loogu diiday in ay tagaan mas’uuliyiin Gobolka Gedo.

M/weyne ku-xigeenka Jubbaland oo ku wajahan Degmo ka tirsan Gedo
To Top