Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa shaaciyay magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada 6 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Jubbaland.
Guddiga ayaa xalay shaaca ka qaaday in doorashada lixda kursi ee Golaha Shacabka la qaban doono 23-ka bishaan oo ku beegsan Axada soo socota, isla markaana waxaa ay doorashadaas ka dhici doontaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
