WARARKA SOOMAALI

Lafta-gareen oo yimid Muqdisho & Shirka Madaxda DF & DG oo furmaya

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Shabaab, waxaa uu madaxweyne Laftagareen iyo maamulkiisa ku ammaanay halganka ay wadaan, isaga oo rajo fiican ka muujiyey natiijada shirka madasha.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Lafta-gareen oo yimid Muqdisho & Shirka Madaxda DF & DG oo furmaya
To Top