WARARKA SOOMAALI

Laba Dowladdood oo Maanta Gurmad Caafimaad soo gaarsiinaya Muqdisho

Dowladdaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay magaalada Muqdisho soo gaarsiiyaan gurmad Caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo dhaqaatiir Caafimaad oo ka imaaneysa dalalkaas oo dowladda Somalia dalab u dirtay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Maanta ay diyaarad gaar ah oo sidda daawooyin Turkiga u soo direyso Muqdisho, isla markaana sidoo kale diyaarada ay qaadeyso dad qaba dhaawacyo culus.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha diyaarada Turkiga uu ahaa inay timaado shalay, si ay afar qof oo dhaawacyo halis ah qaba u qaado, balse u baaqatay Hawada Itoobiya oo xumaatay, hayeeshee Maanta ay imaaneyso diyaaradaas.

Dhinaca kale waxaa  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti lagu qabtey kulan la xiriira sidii kaalmo caafimaad iyo gurmad loogu fidin lahaa dadka ku dhaawacmey weerarkii isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in maanta oo Arbaca ah gargaar loo diro Soomaaliya, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, iyaga oo ka jawaabaya codsigii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Laba Dowladdood oo Maanta Gurmad Caafimaad soo gaarsiinaya Muqdisho
To Top