Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay xubno kamid cayaal weero, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ku haayay dadka shacabka ee kunool xaafaddaha degmadaas.
Raggaan oo lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay degmada ayaa waxaa ay dhammaantood ahaayeen kooxda loo yaqaan Ciyaarada ee burcada ah, isla markaana geystay falal dhac toos ah iyo wax dafid 48kii saac ee u danbeeyay:
Xubnahan lasoo qabtay ayaa la dhaaciyey magacyadooda iyo naaseysyadooda oo kala yihiin:
1- Cabdulqaadir Cabdullahi Maxamed (Shiikheey)
2- Maxamed Cali Cumar (Jinijini)
3- Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)
4- Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)
5- Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)
Sidoo kale maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnahan magacyadooda hoos ku xusan
1- Booroow
2-Timacade
3- Naa’Ifow
Maamulka ayaa sheegay in ay jiraan xubno kale, ayna weli baaritaan ku wadaan xubnahaasi maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa waxa dhibaato xoogan ku haya cayaal weero oo noocyo kala duwan u abaabulan kuwaas geystaan falal ay kamid yihiin: dhac, Kufsi, duubis muuqaalo anshax xun iyo dhaqamo kale aad u liita kuwaas bulshada aan u wanaagsaneyn.