WARARKA SOOMAALI

Kuuryada Waqooyi oo Digniin culus u dirtay Mareykanka iyo Khatarta soo wajahan

Kim Yo-Jong oo la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi, Kim Jong-un waxay maanta oo talaado ah uga digtay Milliteriga Maraykanka isku-day kasta oo ay ku doonayeen inay ku burburiyaan Gantaallada ay Milliteriga Kuuryada Waqooyi Tijibinayaan.

Waxay sheegtay inay tallaabada noocaasi ah u arkaan ku-dhawaaqista Dagaal waadix ah oo ka dhan ah dalka Kuuryada Waqooyi.

Kim Yo-jong oo 39 jir ah ayaa waxa kaloo sheegtay inuu dalkeeda diyaar u yahay inay ka fal celiyaan Xadgudub kasta ee Dhaqdhaqaaqa Milliteriga ee Maraykanka iyo Kuuryada Koonfureed.

Yo-jong oo ah haweeney Awooda badan oo la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi waxay kaloo soo hadal qaaday Hadal laga soo xigtay Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee Taliska Indo-Passific, Admiral Jojn Aquilino oo uu ku sheegay haddii ay Kuuryada Waqooyi ay Gantaallada Balaastikada ee isaga kala gudba Qaaradaha ee ICBM u soo ganaan Badweynta Pacific Ocean inay Maraykanka si degdeg Pacific uga hortegi doonaan.

Si kastaba, qaar ka mid ah Goobjoogayaasha Milliteri ayaa sheegay inay Kuuryada Waqooyi laga yaabo inay Gantaalada Balaastikada ee isaga kala gudba Qaaradaha ee Intercontinental Ballistic Missiles (ICBM) u tuuraan dhanka Badweynta Pacific Ocean.

Kuuryada Waqooyi oo Digniin culus u dirtay Mareykanka iyo Khatarta soo wajahan
To Top