WARARKA SOOMAALI

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo mar kale kooram la’aan u baaqday

Kulan Maanta oo Arbaco ah ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu mar kale u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayen inta badan Xildhibaanada Golaha.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiim Samatar oo kulan shir guddoomin laheyd ayaa soo xirtay fadhiga, isla markaana sheegtay in Xildhibaanada badankooda ay ku maqan yihiin Safaro gudaha iyo dibadda ah.

Sidoo kale waxaa ay xustay Sacdiyo , in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa Guddoonka ka dalbaday inay la xisaabtamaan Xildhibaanada iska maqan oo aan soo xaadirin kulamada Golaha, iyagoona soo jeediyay in Xildhibaanada iska maqana tallaabo laga qaado.

Waa markii labaad oo todobadkaan gudihiisa uu kooram la’aan noqdo kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankii ugu danbeeyay uu ahaa mid ay Isniinta lasoo dhaafay baaqday.

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo mar kale kooram la’aan u baaqday
To Top