WARARKA SOOMAALI

Kulan wada-hadal ah oo Maanta u furmaya Ruushka iyo Ukraine, xili Dagaal culus..

Ilo-wareed ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka TASS in wafuud ka kala socda labada dowladdaha Ruushka iyo Ukraine ay maanta wada-xaajood ku yeelan doonaan Belarus.

Xogta ayaa xusay inaan Shirkaasi la hakanin, iyadoo uu Shirku Maanta bilaaban doono.

Vladimir Medinsky oo ah Kaaliye ka tirsan Madaxtooyada Ruushka ayaa hoggaamin doona wafdiga Ruushka uga qeyb geli doona Shirkaasi.

Waxa uu tilmaamay inay dhinaca Ukraine shalay isla qaateen inuu kulankoodu ka dhaco Gobalka Gomel ee ka tirsan dalka Belarus.

Wada-xaajoodka Nabadeed ee u furmi doona Dowladaha Ruushka iyo Ukraine waxaa looga hadli doona sidii xal looga gaari lahaa dagaalka maalintii 5-aad galay Maanta, ee u dhexeeya Milliteriga Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Kulan wada-hadal ah oo Maanta u furmaya Ruushka iyo Ukraine, xili Dagaal culus..
To Top