WARARKA SOOMAALI

Kulan looga hadlay xoojinta Amniga Muqdisho oo ka qabsoomay Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa kulan dardaaran oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay sii loo xoojin lahaa amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe soo hagaayay, waxaana Warbixino laga dhageystay saraakiisha amniga ciidamada Booliska iyo kuwa hay’addaha amniga kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay xooga saari doonaan xaqiijinta amniga caasimadda Soomaaliya, isla markaana laamaha amniga looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan shaqooyinka la xiriira amniga.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay inay sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo goobaha lagu iibiyo ee ku yaalla magaalada, isagoona xusay inay haatan xiran yihiin dad loo soo qabtay falkaas.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Sulub ayaa ayaa boggaadiyay hay’addaha amniga iyo iyo Maamulada degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay amniga caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Kulan looga hadlay xoojinta Amniga Muqdisho oo ka qabsoomay Xamar
To Top