WARARKA SOOMAALI

Koox xag-jir ah oo Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubtay Denmark

Koox Xag-jir Danish ah oo isku magacowda Waddaniyiinta Denmark “Danske Patrioter” ayaa waxay shalay oo Jimco ahayd gubeen Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Kooxdaasi ayaa waxay Falkaasi xadgudubka ah ka dhigeen barxad ka soo horjeeda dhismaha Safaarada Iraq ee ku taal caasimadda dalkaasi ee Copenhagen.

Muuqaalo la baahiyey ayaa laga arkayey xubno ka tirsan Kooxda Xag-jirka ee dalka Denmark oo ku dul istaagayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Calanka dalka Iraq, ka hor intaysan dab qabadsiinin Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Calanka dalka Iraq.

Qoraal ay Kooxdaasi soo dhigeen Bartooda Facebook ayey ku sheegeen inay Falkaasi Xadgudub ku ah Islaamka kaga aar-gudanayeen   Dibadbaxyaashii weeraray Dhismaha Safaarada Sweden ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee  Baqdaad, waa sida ay Hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo ku goodiyeen inay Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Calanka dalka Turkiye ku hor gubi doonaan Afaafka hore ee Dhismaha Safaarada dalka Türkiye ee ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Copenhagen.

Koox xag-jir ah oo Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubtay Denmark
To Top