WARARKA SOOMAALI

Koox hubeysan oo Maanta Dil ka fulisay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Kooxo ku hubesynaa Bastoolad ayaa goordhaweyd Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ku dilay qeyb kamid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay  Bastoolado ay toogasho ku dileen Askariga Booliska, xili uu ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hoban.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay goobta si dhaqsi ah uga baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaas dhacay oo loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska.

Ciidamo Booliska ee joogay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa durbo halka uu dilka ka dhacay u cararay, kana qaaday Meydka Askariga la toogtay, mana jirto cid loo soo qabtay dilka.

Shalay ayey markii Kooxo watay Bastoolad ay Isgoyska Warshada Caanaha ee Magaalada Caasimadda ah ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Taraafikada dowladda Federaalka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa halkaas.

Koox hubeysan oo Maanta Dil ka fulisay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay
To Top