Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay xukunno dil ah lagula fuliyay labo askari oo katirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaa oo dilal arxan-darro u geestay dad shacab ah.
Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba looga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meedkiisa.
Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jira dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taala Baydhaba.
Magaalada Baydhabo ayaa isbuucan kaliya siyaabo duwan loogu toogtay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaa oo lagu helay dhammaantood dilal ay u gesteen dad shacab ah iyo askar kale.