WARARKA SOOMAALI

Khudbadaha Musharaxiinta Guddoonka labada Aqal BFS oo Maanta la dhageysanayo

Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya oo maanta sabti ah kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay dhageysanayaan hadal-jeedinta Musharaxiinta Guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.

Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Haadi oo xubin ka ah guddiga gaar ahaan qeybta diiwaan galinta ayaa sheegay in maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku began tahay 23-4-2022, ee hadal-jeedinta doonaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka halka beri oo Axad ah ay ku xigi doonaan Musharaxiinta u taagan Gudddoomiye ku-xigeenada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho ka dhacdo 27-ka bishaan, waxaana Caasimadda ka socda olole doorasho xoog leh, isla markaana ku aadan doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Khudbadaha Musharaxiinta Guddoonka labada Aqal BFS oo Maanta la dhageysanayo
To Top