WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Jowhar (SAWIRRO)

Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Hotel ay degnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha kala duwan ee Magaalada, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin iyo shacab.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dad ku dhaw 10-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan ay ku jiraan wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, sida wasiirka caafimaadka, wasiirka haweenka, Xildhibaano iyo xubno kale.

Muuqaalo laga soo duubay goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxa, waxaana goobaha bur buray isugu jiraan hoteelo iyo dhismayaal kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay .

Khasaaro ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Jowhar (SAWIRRO)
To Top