WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Dagaalka Ciidanka DF iyo KGS ee ka dhacay Ceelbarde

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa ciidamada Milateriga dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ee degmadaasi jooga.

Xiisadaan ayaa daba ka socota dagaal xoog leh oo khasaaro badan dhaliyey oo gelinkii dambe ee shalay degmada Ceelbarde ku dhexmaray ciidamada labada dhinac, waxaana Maanta laga cabsi qabaa in mar kale gudaha degmada ay ku dagaalamaan ciidamada oo is hor-fadhiya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidanka Milateriga dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay aag uga jiraan xaafaddo ka tirsan Ceelbarde, isla markaana aysan jirin weli cid kala dhex gashay, si xiisada dagaalka loo xaliyo.

Ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay haleeshay iyo Askarta dagaalantay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay, xili maalmo ka hor dagaal noocan oo kale ah uu ku dhexmaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Khasaaro ka dhashay Dagaalka Ciidanka DF iyo KGS ee ka dhacay Ceelbarde
To Top