WARARKA SOOMAALI

Khasaaro badan oo ka dhashay Weerar culus oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar

Maxaabiis ku xirneed xabsiga dhaxe ee Xamar ,horeyna uga tirsanaa Al Shabaab ayaa saakay barqadii gudaha xabsiga dhaxe ka fuliyay weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo ku bilowday bambaanooyin iyo rasaas ay kooxdan ku fureen ilaalada xabsiga ayaa socday muddo daqiiqado ah, waxaana markii dambe ciidamada ammaanka ku guuleesteen in ay soo afjaraan weerarka kooxda hubeysan ay geesatay.

Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliya Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf , ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amniga soo afjareen weerarkii xabsiga, waxa uuna sheegay in la dilay raggii ka dambeeyay weerarka hubeyysan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in weerarka ku dhinteen shan qof oo maxaabiista kamid ahaa kana tirsanaa raggii weerarka geestay ,sidoo kale waxa uu xusay in weerarka ku dhinteen saddex askari oo iyana katirsanaa ciidanka ilaalada xabsiga.

Afhayeenka ayaana sheegay in weerarka hubeysan ee ka dhacay gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 18-qof oo kamid ahaa maxaabiista xabsiga, kuwaa uu sheegay in xaaladooda hadda lala tacaalayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin badan ka bixin sida uu u dhacay weerarkan maanta ka dhacay xabsiga dhaxe ee Xamar, mana sheegin in ragga hubeysan ee xabsiga ka dhax dagaallamay qaabka ay ku heleen hubka iyo bambaanooyinka.

 

Khasaaro badan oo ka dhashay Weerar culus oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar
To Top