WARARKA SOOMAALI

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Magaakada Garoowe oo sii kordhay

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo Maanta magaalada Garoowe ku dhexmaray ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni.

Inta la xaqiijiyay illaa 9 ruux oo ku jiro Taliyihii ciidanka socotada Madaxtooyada Puntland, G/sare, Cabdifitaax Warsame Hiirad ayaa ku geeriyooday dagaalkii Garoowe ka dhacay, halka in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen iska hor imaadka, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada ku yaalla magaaladaas.

Wararka caawa laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid dagan, isla markaana aan la maqleyn wax rasaas oo dhaceysa, waxaana Taliska Booliska Puntland uu sheegay in ciidankii hubeysnaa ee la dagaalameen laga saaray magaalada.

Muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay adeegsanayaan ciidamada kasoo horjeeda furida dastuurka oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Amniga.

Goorsii horeeysay oo Maanta ah Xildhibaannada Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa u codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Magaakada Garoowe oo sii kordhay
To Top