WARARKA SOOMAALI

Kenya oo howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo faah faahin la helay

Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga  dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaanada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee degmada Lamu ee gobolka Xeebta.

Howlgalka ayaa Saraakiisha Ciidanka Kenya waxaa ay sheegeen inay ku dileen 10 qof oo looga shakisan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaannada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee Lamu.

Qoraal ay soo saareen Saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa xusay inay jiraan xubno kale oo Shabaabka oo ka baxsaday, isla markaana ay ku daba jiraan, iyadoo howlgalkaas uu ka dhacay xadka Lamu iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa ay sheegeen in dadkan la dilay iyagoo isku dayaya inay u soo gudbaan dhanka Kenya. Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar Alshabaab ka tirsan.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr mar waxaa ay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo socdaal ku marayey deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalkaas, iyagoona waxyeelo kasoo gaartay weerarada.

Kenya oo howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo faah faahin la helay
To Top