WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo xirtay wakiilka Doorashada ee la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo

Ciidamada ammaanka ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay gudaha Magaalada Kismaayo ku xiray wakiilka doorashada ee siyaasiga Cabdi Cali Raage oo haatan ah la-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee Madaxweyne Farmaajo.

Raage oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in xalay wakiilkiisii doorashada uu ku hoyday xabsi ku yaalla Kismaayo, isla markaana saaka la geeyey Garoonka Magaalada, si loo soo masaafuriyo.

“Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan,” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Cabdi Cali Raage.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in arrintan ay horseedeyso in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose aysan ka dhici karin doorasho lagu kalsoon-yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay,” ayuu sii raaciyey siyaasiga Cabdi Cali Raage oo haatan ah la-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jubbaland oo xirtay wakiilka Doorashada ee la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo
To Top