WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ka qeyb galka Shirarka Farmaajo iyo Rooble

Maamulka Jubaland ayaa sheegay mar walba diyaar u yahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

“Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Jubbaland ayaa caddeeysay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Maxamed Madoobe uu ka qeyb galayo Shirka Golaha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayna rajo weyn ka qabaan in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka.

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ka qeyb galayaan Shirka uu Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, halka Maamulka Koonfur Galbeed uu diiday ka qeyb galka Shirkaas oo ka dhacaya Muqdisho.

Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ka qeyb galka Shirarka Farmaajo iyo Rooble
To Top