WARARKA SOOMAALI

Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan ATMIS oo ka shiray La-dagaalanka AS

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo howlo shaqo u jooga gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ee Gobolkaas oo uu shalay muddo dheer  kadib mas’uul ka tirsan Jubbaland uu safar ku tagay.

Madaxweyne Maxamuud Sayyida ayaa degmada Luuq ka wada kulamo, waxaana maanta shir guddoomiyay kulan lagaga hadlayay xaalada amniga gobolka iyo diyaar garoowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee ku sugan Luuq ayuu Madaxweyne ku-xigeenka ka dhageystay xaaladda amni ee degmada iyo qorshaha lagula dagaalamayo.

Kulankan waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta golayaasha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Sarakiisha Ciidamada ATMIS ee ka howlgala Gobolka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shalay gaaray Luuq, wuxuuna noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee xil sare ka haya Jubaland oo tago gobolka Gedo tan iyo markii uu bilowday khilaafka gobolkaasi ka taagan, marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay horey u tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan ATMIS oo ka shiray La-dagaalanka AS
To Top