WARARKA SOOMAALI

Jubaland oo War kasoo saartay Mas’uuliyiin loo diiday tagista Garbahaarey

Xubno ka tirsan Maamulka cusub ee Gobolka Gedo ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa loo diiday inay shalay ka degaan magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaasi Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa ka hadlay sababta ay Garbahaarey uga degi weyday diyaarad ay la socdeen xubno ka tirsan Maamulka Gedo ee Jubbaland, kuwaasi oo loo diiday inay tagaan Gobolka.

Diyaarada ayaa hawada Garbahaarey kasoo laabatay, kaddib markii lagu war-galiyay in aysan soo degi karin, waxaana ammarka diidmada ah bixiyay saraakiil kasoo horjeeda maamulka Jubbaland oo ku sugan Garbahaarey

Maxamuud Sayyid Aadan ayaa sheegay in diyaaradii ku jeeday Garbahaarey ay degi weysay, kaddib markii ay weysay gacankii laga hagi lahaa sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la waayo xiriirkii garoonka , isagoona xusay in ay suurto gal tahay in gacanka la damiyay ama dab la’aan uu u damay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan ku heshiiyay in maamul cusub loo magacaabay Gobolka Gedo, waxaana maamulkaasi kasoo horjeeda Maamulka Gedo ee dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Jubaland oo War kasoo saartay Mas’uuliyiin loo diiday tagista Garbahaarey
To Top