WARARKA SOOMAALI

Jadwalka Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo la shaaciyey

Guddiga doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay habraaca loo marayo doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanaka iyo xilliga rasmiga ah ee doorashada dhaceyso

Dooarshada Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa la shaaciyay in ay dhaceyso 26-ka bishan halka doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka iyana dhaceyso 27-da bishan April.

Guddiga doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta Guddoonka labada Aqal ay bilaabaneyso Beri oo taariikhdu tahay 19-ka bishan.

Doorashada Guddoonka labada aqal ayaa u muuqata mid si weyn loo soo dedejiyay, waxaana Xildhibaanada labada Aqal si wadajir ah u meel mariyeen xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal oo la horgeeyay.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada

 

 

Jadwalka Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo la shaaciyey
To Top