WARARKA SOOMAALI

Israel oo Hub laga mamnuucay Caalamka ku duqeynayso Falastiin

Warbaahinta Maxaliga ee Falastiin ayaa sheegtay inay Milliteriga Israel u adeegsadaan Bambooyinka laga farsameeyey Kiimikada Khatarta ee Fosfuriska oo  laga mamnuucay Guud ahaan Caalamka.

Hubkaasi lagu mamnuucay Sharciga Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay Diyaaradaha Dagaalka israel u adeegsadaan Duqeymaha ba’an ee ay ku hayaan Dhismayaasha Rayidka ee ku yaalla magaalladda Qasa oo maalintii 4-aad lagu hayo Duqeymo aan kala-joogsi lahayn.

Wararka ka imaanayo Deegaanka Al-Yarmouk ee Qasa waxay Duqeymaha Israel ee loo adeegsaday Hubkaasi Fosfarka Cad (phosphorus), wuxuuna burbur xoogan u geystay Masjid Afar Dabaq ahaa oo dhulka lala simay.

Kumanaan qof ayaana ka cararay guryahooda, kadib, markii Diyaaradaha Dagaalka Israel ay Hubkaasi Kiimilada ah ku duqeeyeen Dhismayaasha ay dadka Rayidka deganaayeen.

Si kastaba ma aha markii u horeysay ee ay Milliteriga Israel adeegsadaan Hubkaasi, waxayna horey u adeegsadeen Dagaalkii 22-ka maalmood socday ee ay Mukhaawamada Falastiin la galeen muddadii u dhexeysay bishii December 27-dii ee sanadkii 2008-dii ilaa bishii January 18-dii ee sanadkii 2009-kii.

Israel oo Hub laga mamnuucay Caalamka ku duqeynayso Falastiin
To Top