WARARKA SOOMAALI

Iska horimaad khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugidda ayaa ku dhintay kadib is-rasaaseyn kooban oo goordhow ka dhacday nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Mqudisho.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii uu murun soo kala dhex galay Ciidamo militari ah oo la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo kuwa Nabadsugidda ee ku sugan koontaroolka Madiina gate kuwaasi oo isku dayay in ay celiyeen ciidankii la socday Xildhibaanka oo ka yimid dhanka Dan-wadaagta ee Degmada Wadajir, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga dhintay magaciisa lagu soo koobay Carabeey, iyada oo wararka ay sheegayaan in la kala dhex galay labada Ciidan ee is-rasaaseyntu dhexmartay.

Si kastaba dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu dagaal ugu dhexmaray qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana inta badan dagaalada ka dhasha khasaaro.

Iska horimaad khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top