WARARKA SOOMAALI

In ka badan 13 Askari oo lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Balcad (SAWIRRO)

Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kummaandoos DANAB oo ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax xoogan lagula beegsaday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog ayaa waxaa uu qabsaday gaari kamid ah kolonyada oo noociisu ahaa midka ay Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen Ciidanka DANAB, kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo gaaray Ciidanka la qarxiyey, waxaana la sheegay inay qaraxa ku dhinteen in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka DANAB, isla markaan saarnaa gaariga uu qaraxa miinada haleelay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax aad u xoogan la beegsadeen kolonyo ay wateen Ciidamo DANAB ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho, ayna ku dileen 15 Askari oo kamid ah Ciidamada DANAB.

 

In ka badan 13 Askari oo lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Balcad (SAWIRRO)
To Top