WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu qabtay Koox Ciyaal weero ah oo laga fuliyay Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska Maamulka degmada Kaaraan ayaa xalay howlgalo qorsheysan waxaa ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan  degmadaas, waxaana inta uu socday howlgalka lagu soo qab-qabtay Koox Ciyaal weero oo dhibaato ku haayay shacabka.

Howlgalka ciidanka sameeyeen waxaa hoggaaminayay Taliyaha saldhiga booliiska Kaaraan iyo guddoomiyaha degmadaasi, waxa ayna ciidamada si gaar ah u beegsadeen xaafadaha ay ku badan yihiin ciyaal weerada.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada lasoo qabqabtay ay ku jiraan kuwa ay horey uga digeen falalkan, balse dhagaha ka fureesteen, waxa uuna ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ceshadaan.

Ciidamada ayaana gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah ciyaal weerarada oo xilligaasi watay ulo iyo sidoo kale tooshah badan, waxaana dhallinyaradaasi ciidamada qabteen la geeyay saldhiga booliiska Kaaraan.

Dadka kunool xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dhibaato ku qaba Kooxo Ciyaal weero oo dadka dhac  iyo dil u geysta, waxaana Ciyaar weerada ay dileen Wiilal dhallinyaro ah, halka kuwo kalena ay dhaawac u geysteen.

Howlgal lagu qabtay Koox Ciyaal weero ah oo laga fuliyay Magaalada Muqdisho
To Top