WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan AS oo laga fuliyay Galmudug

Xubno dagaalyahano kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kadib markii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda oo iskaashanayay ay halkaasi ka fuliyeen howlgal qorsheysan.

Ugu yaraan 7 xubnood oo tirsanaa maleeshiyaadka ayaa lagu dilay howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil kamid ah ciidanka xoogga,

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sidoo kale howlgalka kusoo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnihii katirsanaa kooxda Al Shabaab ee lagu dilay howlgalka intii uu socday.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee ciidanka xoogga dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa sheegay in iyaga iyo ciidanka deegaanka heleen xogta xubno katirsanaa Al Shabaab oo soo gaaray deegaanka Cali-cadhoode , sidaasna howlgalka ku fuliyeen.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen saldhig ciidanka xoogga ay ku leeyihiin magaalada Ceeldheer, waxaana weerarka iyo dagaal ka dhacay degmada ka dhashay khasaaro badan, iyadoona lagu dilay Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan AS oo laga fuliyay Galmudug
To Top