WARARKA SOOMAALI

Xukug adag oo lagu riday Haweeney Soomaali ah oo Gawracday Canug yar oo ay dhashay

Maxkamad heer Gobal oo ku taalla magaalada Schweinfurt ee Gobalka Bavaria ee dalka Jarmalka ayaa waxa ay Khamiistii la soo dhaafay ee bishan March 2-dii la soo taagay Haweeney Soomaali ah oo la sheegay inay ku eedeysan tahay inay ilmo yar oo ay dhashay gawracday oo 8 jeer Tooreey la dhacday bishii August 6-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Haweeneyda oo 28 jir ah ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’im ama Madaxaa ha ku furto ah, inkastoo uu xukunkaasi weli aheyn mid sharci ah, sababo la xiriirta dukumeenti la’aanta awgeed.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda ayaa sheegay inay Haweeneyda mindi ku gawracday ilmo yar oo 3 bilood jir ahaa gudaha Xarun ku taalla magaalada Bavaria oo khaas u ah dadka Qaxootiga ee aan weli go’aan laga gaarin Codsiyadooda Magangelyo-doonka .

Wakaallada Wararka Jarmalka ee DPA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inaysan weli kala caddayn waxa sababay Dembigaasi.

Xukug adag oo lagu riday Haweeney Soomaali ah oo Gawracday Canug yar oo ay dhashay
To Top