WARARKA SOOMAALI

Hoobiyeyaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa oo…

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyeyaal Maata kusoo dhacay Albaabka hore ee Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana mar qura la maqlay Jugta hoobiyeyaasha dhacay.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramay in ay bilaabataymarka uu soo dhammaaday Kulanka wadajirka ah ee yeesheen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo halkhal xooggan laga dareemay Xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha kusoo dhacay Albaabka hore ee Xarunta Villa Hargeysa, isla markaana ay jiraan dad kale oo waxyeelo gaartay.

Weerarka Madaafiicda ayaa kusoo aaday, iyada oo markii dhammaaday kulan ay yeesheen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, isla markaana lagu ansixiyey habraaca doorashadaa Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

Hoobiyeyaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa oo…
To Top