Hoggaamiyaha KMG ah ee Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa Maanta oo Axad ah isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa, isagoo cusub magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa isku shaandheynta iyo magaacabista loogu sameeyay, waxaana xubnahan ay ka kooban yihiin 13 Wasiir.

Wasiirada cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaa kasoo dhex muuqday Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) oo loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka Maamulkaasi.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha la magacaabay.

1- Waxaa Mud. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2- Waxaa Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

3- Waxaa Mud. Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4- Waxaa Mud. Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga

5- Waxaa Mud. Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6- Waxaa Mud. Dr. Jaamac Maxamed Mursal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

7- Waxaa Mud. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka

8- Waxaa Mud. Xil Cali Warsame Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda  Biyaha iyo Tamarta

9- Waxaa Mud. Axmed Cabdirisaaq Diiriye loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10- Waxaa Mudane Xil. Daahir Cabdirisaaq Axmed loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

11- Waxaa Mudane Xil. Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

12- Waxaa Marwo Suhuur Faysal Barre loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka

13- Waxaa Xil. Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa Masuuliyiinta magacaaban in Eebbe xilka u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmayaa in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan Axdiga Maamulka oo ay ku jirto danta shacabka SSC-Khaatumo

Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa markaa uu saxeexo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.

Hoggaamiye Firdhiye oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada SSC-Khaatumo
To Top