Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS Dr. Maxamed Xasan Maxamed, waxaana weheliyay Xoghayaha Arrimaha Bulshada Dr. Yuusuf Saleebaan Sancad.
Kulanka ayaa ahaa booqasho salaan iyo is-xogwaraysi ku aaddan arrimaha caafimaadka ee deegaannada SSC-Khaatumo, iyadanoo la soo bandhigay saameyntii darnayd ee dagaalkii Soomaliland ka waddey Laascaanood uu gaadhsiiyay adeegyadii Caafimaad ee deegaanka.
Wasiir Ku xigeenka ayaa xusay in Wasaaradda Caafimadku diyaar u tahay sidii ay ula shaqayn lahayd Maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana uga gacan siin lahayd tayaynta iyo dib-u-dhiska kaabayaashii Caafimaadka.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Wasiirka uga mahadceliyey booqashadiisa, bogaadiyayna doorkii Wasaaradda Caafimaadku ku lahayd gurmadkii Caafimaad ee loo fidiyay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay dagaalladii G/Sool.
